Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dalka Mali Is-Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mali)-Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, kaddibna kala diray baarlamaanka, saacado kaddib marki ay ciidamo ka tirsan millatariga oo fallaagoobay xidheen isaga iyo Ra’isulwasaare Boubou Cisse.

Keita oo xirnaa marada afka lagu daboolo daal bandanna uu ka muuqday, ayaa is casilaaddiisa kaga dhawaaqay khudbad gaaban oo uu ka jeediyay telafishanka qaranka isaga oo jooa xero millatari oo ku taalla deegaanka Kati oo 15 km u jira magaalada madaxda.

Kacdoon isla xerada Kati ka dhacay sannadki 2012-ki ayaa u xuub-siibtay afganbi ay millatariga ku rideen madaxweynihi hore ee Mali Amadou Toumani Toure.

Faransiiska oo gumeystay Mali iyo dalalka kale ee xidhiidhka dhaw la leh Mali ayaa ka cabsi qaba, in afganbi lagu sameeyo Keita ay uga sii dari karto colaadda hadda ka oogan Mali.

Midowga Africa iyo Qaraada Midoobay ayaa cambaareeyay xadhiga ay millatariga u geysteen madaxda dowladda Mali, iyaga oo amray in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxweynne Mali Ibrahim Boubacar Keita iyo Ra’isulwasaare Boubou Cisse.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this