Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneral Tuuryare oo sheegay inay weeraro horleh ‘ka dhici karaan’ MUQDISHO hal sabab darteed (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya digniinaha ay bixinayaan khubarada amni ee tilmaamaya in magaalada Muqdisho maalmaha soo socda ay wajahi karto weeraro argagixiso oo la mid ah kii lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho.

Khubarada dhinaca amniga ee wax badan kasoo shaqeeyay dhinaca amniga ayaa tilmaamay in haddii aan xal loo helin arrimaha is-mari waaga siyaasadeed ee doorashooyinka in Muqdisho marti gelin doonto weeraro khasaarooyin badan ka dhasha, iyadoo argagixisada ay beegsan doonaan goobaha shacabka iyagoo ka faa’iideysanaya siyaasadda cakiran ee heshiiska lagu aheyn.

Jen. Cabdiraxmaan Tuuryare, oo ah taliyihii hore ee NISA ayaa qaba in DF ay ka gaabisay dhinaca amniga, gaar ahaan howlgalka ka dhanka ah meelaha ay Al-Shabaab ku diyaariso qaraxyada.

“Dowlad kasta marka xiligeedu dhamaanayo weerarada ay fulinaayaan argagixisadu waa ka badan yihiin xiliyada kale, lixda bil ee soo socota aad bay khatar u tahay, waxayna ka shaqeynayeen in mudo ah inagoo aaminsan inaan ka nasanay weerarmada argixisada” ayuu yiri Jen. Tuuryare.

Wuxuu sheegay Jen. Tuuryare in shacabka kalsoonida ay ku qabaan ciidamada iyo siyaasiyiinta ay tahay mida dhalisay halista soo wajahan, taasoo buu yiri u baahan in la maareeyo.

Bishaan kaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay afar weerar oo saddex ka mid ah ay ahaayeen is-miidaamin ay ku dhinteen dad aad u fara badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xasuustaa mudadii uu ku guda jiray ololahiisa doorashada inuu balan qaaday in mudo labo sano ah kusoo afjaraayo Al-Shabaab, isla markaana ciddii soo sheegta qarax meel lagu aasayo la siinayo abaalgud lacageed oo dhan 100 kun dollar, balan qaadkaasi oo ahaa afka baarkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this