Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo amar deg deg ah siisay laamaha amniga dalka kadib weerarkii Elite Hotel

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay laamaha amniga dalka.

Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mudane Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii Shabaab ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.

Inta la ogyahay ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka ku dhowaad 40 kalena kalana ay ku dhaawacantay, waxaase loo maleynaya in khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Masuuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegtay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Qoraal ka soo baxay ayay ku sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa hotelkasi, oo uu leeyahay Xildhibaan Cabdullaahi Macalin Nuur, oo xubin ka ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee sanadkan lagu qaado hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho, kaasoo ku yimid habacsanaanta amni ee labadii bilood ee ugu dambeysay laga dareemayay magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this