Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay Khasaaraha Weerarkii Hotel Elite

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay Khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Hotelka ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin.

Af-hayeenka aya atilmaamay in weerarka ay ku dhinteen 16 ruux oo 5 ka mid ah ay yihiin kooxdii weerarka soo qaadday halka ay ku dhaawacmeen 13 ruux oo kale islamarkaana Booliisku soo badbaadiyay 300 oo qof kuwaas oo ku go’doonsanaa Hoteelka.

Dadka ku dhintay weerarkaas  waxaa kamid ah Agaasimihii xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay Khasaaraha Weerarkii Hotel Elite appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this