Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Khasaaraha Guud Ee Qaraxii Hotel Elite.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay soo afjaray dagaal ka dhex socday hotelka Elite oo dacalka ku haayo xeebta Liido, kadib markii weerarka lagu qaaday,  waxaana lasoo ogaaday khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Afkaheenka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta la hadalay waxaa uu sheegay in weerarka ay ku geeriyoodeen 11 ruux, kuwaas oo 5 kamid ah ay yihiin qolyihii hubeysnaa ee galay gudaha hotelka sida uu yiri.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen 13 ruux  oo ruux kamid uu aad u da, yar yahay, kuwaas oo la geeyey goobaha caafimaadka, waaxaana uu  intaas raaciyey in ciidamadu ku guuleysteen soo afjaridda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this