Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Cabdi Cali Raage oo billaabay olole ku wajahan beesha caalamka + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimaddaa Online) – La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Mudane Cabdi Cali Raage ayaa bilaabay olole ku aadan sidii Beesha Caalamka looga gadi lahaa qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee doorashada.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, La-taliyaha madaxweynaha ayaa Sabtidii la kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, isaga oo u faahfaahiyay shaqooyinka ilaa haatan u qabsoomay guddiga farsamada.

Cabdi Cali Raage oo dhawaan loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka ayaa ka shaqeenaya sidii loo yareyn lahaa culeyska Beesha Caalamka uga imaanayo Dowladda Soomaaliya ee ku aadan waqtiga kala guurka ee dalka.

Raagge ayaa lagu tilmaamaa farsama-yaqaan galaangal badan leh, waxaa uu ka mid ahaa Guddiyadii Farsamo ee ka soo shaqeeyay doorashadii dad-baneyd ee sanadkii 2016.

Bishii April ee sanadkii 2019 ayay markii Axmed Madoobe uu xilka ka qaaday Cabdi Cali Raagge oo ahaa La Taliyihiisa sare ee Arrimaha Siyaasadda, xil ka qaadistaas ayaa salka ku heysay howlihii doorashada Jubbaland, waxaana Mr Raagge ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee ka hor-yimid Axmed Madoobe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this