Sign in to follow this  
Deeq A.

Milkiilaha Elite oo war ka soo saaray weerarka lagu qaaday hoteelkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Milkiilaha hoteelka Elite oo ka mid ah hoteellada sida casriga ah loo dhisay ee magaalada Muqdisho, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay weerarkii xooganaa ee gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday hoteelkiisa oo ku yaalla xeebta Liido.

Cabdullahi Maxamed Nuur oo sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xilliga uu dhacayey weerarka uu ku sugnaa hoteelka, balse uu ka bad-baaday.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkaasi, isaga oo tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay halkaasi.

“Dhammaan allaha u naxariisto intii ku dhimatay weerarkii galabta ay argagaxisadu ku soo qaaday shacab Soomaaliyeed, gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku sugnaa inta dhaawaca ahna allaha bogsiiyo, waana caafimaad qabaan dhamaan ehel iyo asaxaaba” ayuu yiri xildhibaanka.

Weli waxaa socda howl-gal lagu soo af-jarayo weerarkaasi, kadib markii ay hoteelka gudaha u galeen rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Dhimashada ayaa haatan kor u dhaafeysa illaa 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jira shacab, saraakiil ciidan iyo shaqaale dowladeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this