Deeq A. Posted August 16, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday qarax gaari laga soo buuxiyey oo galabta ka dhacay afaafka hore ee hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka, kuwaas oo la dagaalamaya ciidamada amniga, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xilliga uu dhacayey qaraxa iyo weerarka tooska ah ay dad badan ku sugnaayeen gudaha hotelka Elite. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse weli ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Xaaladda ayaa hadda aad u cakiran, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites