Sign in to follow this  
Deeq A.

“Kiisaska Cabdimanaan Lagu Soo Oogey Ciqaabta Uu Ku Waajihi Karaa Waa 10 Sannadood…” Garyaqaan Guuleed Dafac

Recommended Posts

Deeq A.   

Arinka Cabdimanaan baadhitaan madax banaan ayuu u baahan yahay. Eedda Xafiiska Xeer-ilaalintu waxa ay sheegtay in Cabdimanaan la xidhay 26 July 2020.

Cabdimanaan waxa laga qabtay bartamaha Hargeysa 17 July 2020, xilli fiidnimo ah. Is-waydiintu waxa ay tahay intii ka horaysay markaa cidda uu gacanteeda ku jiray cidda ay tahay. Hadii xadhiga dawladda u diiwaangashan yahay 26 July, xilliga la ‘qabtay’ na yahay 17 July, mudada u dhaxaysa yaa haystay? Mar hadii aanu xidhnayn mudadaas, cidda haysatay maxaa sharciga loo marin waayay?

Eedda rasmiga ah ee Xafiiska Xeer-ilaalintu gudbiyay waxa u Cabdimanaan Yuusuf ku eedeeey labadan qodob:

  1. Hellidda xog ku saabsan amaanka Qaranka Somalia, qodobka 199 XCG (Procuring information regarding the security of the Somali State). Waa sida qodobku xeerka ugu qoran yahay.
  2. inuu ku xadgudbay isticmaalka xirfad (abusive exercise of a profession).

Ciqaabta uu wajihi karaa hadii la isku daro waa ilaa 10 sanadood”.

W/Q Guuleed Dafac

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this