Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan  ciidamada AMISOM iyo Malayshiyaadka Al-shabaab oo dhinac ah.

Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan Xalay saqdii dhexe weerar culus  ku qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin aga’gaarka Buundada Degmada Buurdhuubo halkaas oo uu ka dhashay Khasaare kala duwan oo aan weli si rasmiya loo xaqiijin.

Dagaalka oo mudda saacado ah socday ayaa markii dambe istaagay waxaana Malayshiyaadkii Dagaalka soo qaaday dib loogu riixay halkii ay ka yimaadeen sida laga soo xigtay Mas’uuliyiinta Degmada Buurdhuubo.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab waxay sheegeen in Dagaalka lagu dilay saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Itoobiyaan ah oo ku wada sugnaa Saldhiga la weeraray inkastoo aysan faahfaahin ka sii bixin sheegashadooda.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this