Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo ku wajahan gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha wasiirka waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa lagu wadaa inay gaaraan gobolka Gedo, gaar ahaan magaalooyinka Garbahaarey, Luuq iyo Beledxaawo oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Xubaha wasiirka wehlinayo waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka .

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre sii hayaha wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa marka uu gaaro caasimadda gobolka Gedo ee Garbahaarey waxaa uu dhagax dhigo doono goobo waxbarasho oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka,waxaana uu usii gudbo doonaan magaalada Luuq oo si la mid ah uu uga dhagax dhigo doono ,

Sii hayaha wasiirka waxbarashada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa ugu dambeyn ku soo gabagabeyn doono safarkooda magaalada Beledxaawo oo ay ka dhagax dhigi doonaan goobo kale oo lagu xoojinayo waxbarashada gobolka Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this