Sign in to follow this  
Deeq A.

Faha faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Buurdhuubo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin dhinaca bari ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib uu dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomalaiya oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, islamarkaana gaariga laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay ku qarxiyeen banaanka xerada la weeraray, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dagaalka ay ku dileen illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey, waxaana ay shaacisay inay beegsatay saldhigga ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada huwanta ayaa howl-gallo ka bilaabay halka loo yaqaano Buundo-Yarey oo ka tirsan degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this