Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo ka bilaabay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb ayaa xalay kulamo ka bilaabay magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xalay kulan hordhac ah oo saacado badan qaatay uu xalay dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur iyo Galmudug, kuwaas oo iska xog-wareystay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mida amni.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan halkaasi Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa marka ay dhamaan wufuuda gaaraan Dhuusamareeb ka furmaya magaaladaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda dowlad goboleedka Galmdug.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this