Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururada Siyaasadda Puntland oo Maanta la guddoonsiiyay Shahaadada Agoonsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qeybgalay Xafladda Shahaado-siinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa u hambalyeeyay 10 Urur Siyaasadeed oo maanta shahaadada aqoonsiga la guddoonsiiyey, wuxuu sidoo kale bogaadiyey shaqada ay qabteen Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland.

Dhammaan Masuuliyiintii iyo qeybihii kala duwana ee Bulshada ee ka hadlay kulanka, ayaa uga mahadceliyay Dowladda inay xili hore ka dhabeysay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku weheliyay Xafladda Madaxweyneyaashii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga KGM ah ee Doorashooyinka Puntland, Madaxda Ururada Siyaasadda ee Shahaadooyinka la siiyey, Xafiiska Xuquuqul Insaanka, Ururada Bulshada, Haween iyo Dhallinyaro.

Halkan ka eeg Sawirada

1-13.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 3-6.jpg?resize=960%2C764&ssl=1 2a.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 4-6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 5-5.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 5-5.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 6-3.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 7-2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 8-2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 9-3.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 11-1.jpg?resize=960%2C637&ssl=1 12-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 13-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ururada Siyaasadda Puntland oo Maanta la guddoonsiiyay Shahaadada Agoonsiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this