Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Puntland oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
3-5.jpg?resize=716%2C563&ssl=1

Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xassan Ciise, ayaa Saaka oo Sabtiya ku geeriyooday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Geerida Marxuumka, waxaa xaqiijisay Madaxtooyada Puntland, waxaana ka tacsiyeeyay Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanaa Garoowe kadib markii ay Neefsashadu ku adkaatay, waxaana isla saaka la doonayay in loo qaado dhanka Magaaalada Muqdisho.

Xilka Wasiiru-dowlaha waxaa loo magacaabay 21-kii October 2019 waxaana uu Xafiiska hayay mudda sagaal bilood iyo maalmo ah.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this