Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Waxaa Goordhow cisbitaal ku yaalla Magaalada Garoowe ee ku geeriyooday Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada maamul Gobolleedka Puntland Maxamed Xasan Ciise.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Marxuumka saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay cisbitaalka Qaran ee Magaalada Garoowe, hayeeshee goordhaweyd xanuunii haayay uu u dhintay.

Geerida Marxuum Maxamed Xasan ayaa waxaa xaqiijiyay Qaar kamid ah eheladiisa, waxaana Maanta oo sabti ah xaalad Caafimaad loogu soo qaadi rabay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu xanuun saa’id qabtay.

Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada maamul Gobolleedka Puntland ayaa la sheegay inuu u geeriyooday neef-qabatin ama naqaska oo ku xidhmay, 3 saddex maalmood, ayuu xanuunsanaa oo xumad, madax xanuun iyo naqasku qabanayey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this