Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Carfaaye “Waxaan Xafiiska U Baneeyay Dhallinyarada Iyo Bahda Isboortiga Degmada Dherkenley”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii isboortiga Degmada Dharkenlay Cusmaan Carfaaye ayaa ka tagay shaqadii ku hayay demada,  wuxuuna sababaha ugu weyn uu ugu tagay shaqada ku sheegay in doonayo in fursad la siiyo dhallinyarada ee doonaysa qabashada jagaadaas.

Screen-Shot-2020-08-15-at-11.19.18-AM-10
“Waxaan degmada gaarsiiyay meesha aan rabay welina wax badan ayaan u dhiman,balse shaqsiyan waxaan gunaansaday in xafiiska u baneeyo kuna soo dhaweeyay cid kasta oo wax ku kordhin karta horomarka isboortiga Degmada Dharkenlay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyihii hore ciyaaraha Dharkenlay Cusmaan Carfaaye

Screen-Shot-2020-08-15-at-11.10.34-AM-10

Cusmaam Carfaay wuxuu ahaa shaqsi si weyn ugu muuqday horomarka isboortiga degmada waxaana dadka deegaanka ay ugu mahad celiyeen guulaha uu ka tagay waxayna dhinaca kale sheegeyn in la xasuusandoono wax qabadkiisa.

Screen-Shot-2020-08-12-at-2.03.16-PM-102

“Qof hadii uu ka tago shaqo waxaa booskiisa buuxinaya dad kale,hadii aanu nahay bahda isboortiga Degmada Dharkelnay waxaana u mahad celinaynaa wax qabadkii wanaagsanaa uu tagay mudane Carfaayay” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Xuseen Cali Caddow.

Screen-Shot-2020-08-15-at-11.08.07-AM-10

Qaar ka mid ciyaaryahanadii degmada Dharkenlay la qaaaday tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 ayaa iyagana amaanay guddoomiyahadii hore,iyagoo tilmaamay in kaalin weyn uu ka qaatay hanashada ciyaaraha degmooyinka 2019.

Screen-Shot-2020-08-12-at-2.02.53-PM-102

Si kastaba xidigaha Degmada Dharkenlay ayaa iyaga oo aanan laga badin hantay tartanka degmooyinka 2019,waxaana inta badan guusha loogu mahad celiyay guddoomiye Carfaayay oo waqti geliyay horomarka,balse wuxuu sheegay in uu xil walbo uu diyaar u yahay hadafyada iyo heegsiga ay la yimaadaan maamulka iskaga badalaya.

Screen-Shot-2020-08-12-at-2.02.03-PM-102

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Guuddoomiyihii Hore Isboortiga Dharkenlay

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this