Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay magacyada saraakiil ay ka dishay Xarakada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la wareegay degmada Kunturwaareey ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed, halkaasi oo aheyd xaruntii ugu weyneyd ee Al-Shabaab ayaa howl-gal ka fuliyey halkaasi.

Dagaal kooban oo ka dhacay halkaasi ayaa waxaa la sheegay lagu dilay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab, iyaddoo qaar kalena nolosha lagu qabtay.

Sidoo kale ciidanka Danab ayaa xabsi ku yaalla Kunturwaarey ka sii daayey dad Shacab ah oo u xirnaa Al-Shabaab.

Xubnaha lagu dilay howlgal-kaan ayey dowladda ku kala sheegtay.

1- Madaxa Jugta Culus ee Gobalka Sh.Hoose Maxamuud Axmed Gaboobe Raage (Daariq)

2- Madaxa Maaliyadda Kuntuwaareey Qaalid Cumar Sariix.

3- Madaxa Maxkamadda Kuntuwaareey iyo degaanada hoos yimaada Muxsin Shiikh Cali.

4- Madaxa Jabhadda ka howlgasha Kuntuwaareey (Saalaxudiin)

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Somalia ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka socda koonfurta iyo martamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this