Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakhtiga uu furmayo Shirka Dhuusamareeb oo dib u dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Galmudug oo marti-gelinaysa Shirka Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa shaacisay in uu dib u dhac ku yimid Wakhtiga Furitaanka Shirkaasi. 

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu dib dhac ku yimid Shirka Dhuusamareeb oo lagu waday in uu furmo 15-ka Agoosto oo ku beegan Sabtiyada Maanta ah.

Balse Wasiir Falagle ayaa laga soo xigtay  in Madaxda ka qayb-galaysa Shirka ay isla Maanta tegi doonaan Magaalada Dhuusamareeb isagoo xusay in Shirka furmi doono marka ay soo dhammaystirmaan Wufuudda ka qayb-galaysa.

Dhinaca kale Wufuudda ka qayb-galaysa Shirkaasi ayaa qaarkood lagu wadaa in ay Maanta gaaraan Dhuusamareeb waxaana Madaxdaasi kamid ah Madaxweyne Farmaajo iyo Cabdicasiis Lafta Gareen oo ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST

The post Wakhtiga uu furmayo Shirka Dhuusamareeb oo dib u dhacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this