Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo la xaqiijiyay in uu ka qayb-galayo Shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Caasimadda Waddanka Jabuuti, ayaa la xaqiijiyay in uu ka qayb-geli doono Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Deni, oo socdaalkiisi soo geba-gabeeyay ayaa Maalinta Berriya ku soo wajahan Caasimadda Garoowe, halkaas oo uu uga sii gudbi doono Magaalada Dhuusamareeb, si uu Shirka uga qayb-galo.

Dalalka iyo Ururada ku midaysan Beesha Caalamka, oo xalay  soo saaray War-saxaafadeed wadajir ah, ayaa ku baaqay in dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ay ka qayb-galaan Shirka Dhuusamareeb, si heshiis loo dhanyahay looga gaaro Arrimaha Doorashada.

War-saxaafadeedka Beesha Caalamka, waxaa lagu sheegay in haddii Madaxda qaar ay ka qayb-geli waydo Shirka soo socda ee Dhuusamareeb, ay taasi baabi’in doonto kalsoonida weli jilicsan ee lagu dhisay Shirkii hore, islamarkaana ay wiiqi doonto in Saamileyda Siyaadda Soomaaliya ay go’aan midaysan ka gaaraan Hannaanka Doorashada Dalka.

PUNTLAND POST

The post Deni oo la xaqiijiyay in uu ka qayb-galayo Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this