Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan XF oo ‘ka faa’iideystay’ ridistii Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha xil-ka wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maalmihii u dambeeyey sameeyey magacaabis is-daba joog ah, xilli xukuumaddii uu ka tirsanaa lagala noqday kalsoonida, lana sugayo dhismaha mid cusub.

Waxaa xusid mudan in magacaabista xubnahan uu sameeyey wasiirka markii kalsoonida lagala noqday xukuumaddii Khayre kadib, hasa’ahaatee Cawada ayaa la sheegay inuu  taariikhda magacaabista bedelay, isaga oo ka dhigay mid ka horeysay dhicista xukuumada.

Wasiirka arrimaha dibadda  ayaa magacabay illaa 8 xubnood xoghayeyaal isugu jiro  koowaad, labaad iyo taliyeyaal safiiro oo wadamo kala duwan ah, kuwaas oo ka gaarsiis ah, una badan hal beel, iyada oona sidoo kale wasiirka uu sameeyay dalacsiin.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in magacaabistaan la sameeyey, kadib dhicitaankii xukuumaddii uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, balse waraaqaha magacaabista lagu taariikheeyey 14 iyo 23 July ee 2020-ka, si looga dhigo in la sameeyey intii ay jirtay xukuumaddii la riday, kadib go’aankii ka soo baxay Golaha Shacabka Somalia.

Halkan hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay:-

Nasra Maxamed Maxamuud: xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada.

Farxaan Maxamed Diiriye: xoghayaha labaad IT-ga ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Ibraahim Xasan Maxamuud : xoghayaha koowaad eesSafaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Axmed Cabdi Bille: oo loo dalacsiiyey xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka South Afrika.

Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamid : Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Axmed Ceydiid Cismaan: xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan.

Culimo Cabdiraxmaan Macalin :La-taliyaha safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Dhankiisa wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa Cabdinaasir Saalax Maxamed umagaacaby u qeybsamaha arrimaha amniga ee garoonka Aadan Cadde.

Inta badan xilal-ka ay magacaabeen wasiirada arrimaha dibadda iyo amniga ayaa la sheegay inay u magacaabeen dad ay isku heyb yihiin oo ay kaga faa’ideesteen xil- ka qaadistii raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ee la riday, Mudane Xasan Cali Khayre.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this