Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada Maaliyadda Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo heshiis cusub gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Maanta War-murtiyeed ka soo saaray shir mudda laba Cisho ah uga socday Magaalada Muqdisho oo ay uga arrinsanayeen Hannaanka Maaliyadda Dalka.

War-murtiyeedka, waxaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen, Hirgelinta Nidaam Canshuureed oo qiima ku salaysan, kaas oo aan lahayn Wax Canshuur kordhin ah, balse muhiimaddiisu tahay La-jaanqaadka Ganacsiga Dunida iyo Midaynta Maamulka Furdooyinka Waddanka.

Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in Dakhliga Waddanka loo qaybsado Qaab ka duwan kii hore, waxaana loo saaray guddi farsamo, si loo gaaro Qaab la isla ogolyahay oo loo qaybsado Dakhliga, islamarkaana Miisaaniyadda 2021 loo soo bandhigo Hannaan midaysan.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka

1-11.jpg?resize=904%2C1280&ssl=1 2-6.jpg?resize=904%2C1280&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiirada Maaliyadda Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo heshiis cusub gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this