Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoogga Dalka iyo Alshabab oo Ku Dagaalamayo Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka saaka laga helaayo Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xooggan uu ka socdo duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhaxeeyaa ciidamada xoogga dalka 21-aad iyo Al-shabab oo saaka weerarro ku soo qaaday saldhig ciidamada ay ku leeyihiin duleedka degmada.

Waxaan si dhaba loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dadka shacabka ah iyo dhinacyada dagaalamay madaama dagaalka uu yahay mid weli socda.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this