Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dhimashada Xabsiga Dhexe oo aad u korortay iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa korortay, sida ay shaaciyeen Taliska ciidanka Asluubtu.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta, Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in 19 qof ay ku dhinteen weerarkaasi oo 15 kamid ah ay ahaayeen maxaabiista, halka Afarta kalena ay ka tirsanaayen ciidamada, iyada oo ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale.

Cabdiqani Qalaf ayaa sidoo kale sheegay in tirada dhaawaca ah ay badankooda ay kamid yihiin maxaabiista xabsiga, marka laga reebo hal askari oo xaaladiisa lagu dabiibayo Isbitaalka.

“Xaaladda waxa lagu soo celiyay sideedii, xabsiguna wuu shaqeynayaa, halka dadkii dhintay la aasay, kuwii dhaawaca ahaana xaaladood lala tacaalayo” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Asluubta oo warbaahinta la hadlayey.

Weerarkaasi ayaa shalay ka dhacay xabsiga dhexe, iyada oo ay soo maleegeen maxaabiistii xabsiga lagu hayay oo qaarkood ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo xukunno kala duwan lagu riday.

Waxa weerarkaasi loo adeegsaday bambaanooyin iyo bastoolado, taasoo sababtay in ay dheeraado soo afjarida weerarkaasi oo qaatay mudo saacado ah, iyadoo idaacadda dowladdana ay sheegtay in maxaabiista lagu qabtay labo bastoolado, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay ogaatay Caasimada Online weerarkaasi ayaa waxa uu ku bilowday bastoolado iyo bambaanooyin dhowr ah oo lagu dhex qariyay raashin loo gudbiyay maxaabiista.

Waxayna taasi fududeysay in maxaabiistu ay labo kamid ah askartii ilaalada ahaa ay toogtaan, kadibna qoryihii ay haysteen ka qaatan, kadibna weerarku noqday mid toos ah oo bambooyin loo adeegsaday.

Weerarkaasi ayaa imanaya xili laga deyrinayay inuu sarre u kacay isku milanka dowladda iyo kooxda argagixisada ah, taasi oo maalmihii dambe banaanka keenaysay habacsanaanta amni ee xabsiga ka jirta iyo guud ahaanba caasimada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this