Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedka Safarka Madaxweyne Deni ee Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta Safar shaqo ugu baxay  Waddanka Jabuuti, sida ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.

Safarka Madaxweynaha, Waxa ku wehelinayay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor  Gebilay, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo La-taliyaal Madaxweyne.

Wefdiga Madaxweyne Deni, waxaa Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ku sii saagootiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.

Inkastoo Madaxtooyada Puntland aysan faahfaahin ka bixin Ujeedka Safarkiisa, haddana warar hoose oo Puntland Post heshay, waxay tibaaxayaan in Madaxweyne Deni uu Dowladda Jabuuti ka doontay Xafaarad ciidda ka saarta Dekedda Magaalada Boosaaso.

Xaaladda Dekedda Boosaaso, ayaa todobaadyadii u dambeeyay laga soo deyrinayay, kadib markii sida la sheegay ciid ay ka buuxsantay qayba muhiima ah oo kamid ah Dekedda.

Shirkadda DP World, oo mudda ka badan saddex sannadood gacanta ku haysa Dekedda Boosaaso, ayaan Iyana wax Shaqo ah ka qaban muddadii ah halkaasi joogtay.

PUNTLAND POST

The post Ujeedka Safarka Madaxweyne Deni ee Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this