Sign in to follow this  
Deeq A.

War-weyn:Daawo,Trump oo isagoo Shir Jaraa’id ku jira lala cararay kaddib markii Ilaaladiisu Afaafka hore ee Aqalka Cad ku toogatey Nin laga shakiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Trump oo isagoo Shir Jaraa’id ku jira lala cararay kaddib markii Ilaaladiisu Afaafka hore ee Aqalka Cad ku toogatey Nin laga shakiyey

Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow Aqallka Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shir jaraa’id.

Daawo:Sidii loola cararay Trump markii Dilku dhacay

Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay “iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay”.

Trump ayaa shirka jaraa’id lagala carayay markii ay arrinta dhacday balse wax yar kaddib ayaa dib u soo muuqday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu goobta shirka jaraa’id ku soo hogamiyay.

Waxaa la maqlayay Trump oo oranaya “Oh!” “Maxaa dhacaya” markii uu ka sii dhaadhacay qolka shirka jaraa’id.

Madaxweynaha oo ku guda jira shirka jaraa’id ayaa waxaa ka soo dhex-galay mid ka mid ilaaladiisa, waxa uuna dhagta ugu sheegay dhacdada.

 

US President Donald Trump talks with a secret service agent before leaving a coronavirus briefing at the White House, August 10, 2020
A Secret Service agent walked on stage and whispered into President Trump’s ear when the briefing was under way

Markii uu dib u soo laabtay sagaal daqiiqo kaddib, madaxaweynaha ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in ilaalada qarsoon ay toogteen qof hubeysnaa oo laga shakiyay. Waxa uu sheegay in qof isbitaalka la geeyay dhacdada kaddib.

Mr Trump ayaa garwaaqsaday iney ahayd xaalad aan caadi ahayn, balse waxa uu ammaan kala dul-dhacay ciidamada ilaalada ee qarsoon.

Dhanka kale ciidamada qarsoon ayaa sheegay iney xaqiijiyeen in mid ciidamadooda ka tirsan uu qof ku toogtay waddada 17-naad iyo aagga Pennsylvania.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this