Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Taiwan Oo U Caddaysay Caalamka In Somaliland Ay Istaahilaan Aqoonsi Caalami Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Taiwan , ayaa tallaabo weyn ku tilmaantay Wakiilka Somaliland Maxamed Xaaji Maxamuud oo Sabtidii gaadhay Taiwan.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qoraal ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, oo xustay inuu si geesinimo ah uu dalkeeda u yimid Danjirihii Jamhuuriyadda Somaliland u soo magacwday Taiwan, waxaanay ku sifaysay arrin weyn.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxa ay mar kale u mahadcelisay Guddida Ammaanka u qaabilsan Aqalka Cad ee Maraykanka oo hore u soo dhaweeyey xidhiidhka ay yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan.

Waxa kaloo ay intaas ku dartay Wasaaradda Khaarajiga Taiwan in madaxbanaanida iyo saaxiibtinimadu aanay iib aheyn, isla markaana ay dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ay u qalmaan aqoonsi caalamiya.

Sidoo kale, danjiraha Somaliland ee waddanka Taiwan, Maxamed Xaaji Maxamuud, ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhaweeyey dalkaas, waxaanu caddeeyey inay Somaliland iskaashi iyo cilaaqaad la yeelanayso dalalka ay iska shabahaan taariikhda iyo dimuqraadiyadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this