Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku beegsadeen ciidanka xoogga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa war qoraal ah kaga hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee saldhig ku lahaa muqdisho.

Qoraalkaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa tacsi loogu diray dhamaan ehelada dadka ku dhintay weerarka iyagoo caafimaad u rajeeyay dadkii falkaas ku dhaawacmay.

Sida la sheegay 8 askari ayaa ku geeriyootay weerarkii dhacay halka tiro ka badan ay dhaawacyo kasoo gaareen.

“Waxaa nasoo gaaray akhbaar naxdin leh oo ah in sideed qof lagu waayay, tira kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen kadib weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray saldhigga guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale warka qoraalka ah waxaa lagu cambaareeyay weerarka ay geysteen Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaan wali warbixin rasmi ah kasoo saarin weerarkii halkaas ka dhacay, waxaana sii kordhaya beegsiga ay Al-Shabaab beegsanayaan xeryaha ciidanka dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this