Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online). Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxii Maanta ka dhacay xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 27-ka April  oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay iridda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Qaraxa ka dhashay, waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan, inkastoo aan weli la helin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaas kadib war qoraal ah oo kasoo baxay oo lagu faafiyey warbaahinta ku hadasho afkooda.

“Mujaahidiinta ayaa qarax ismiidaamin ah  ku beegsaday saldhigga guutada 27aad ee Ciidamada Dowladda oo kutaalla dhabarka dambe ee xaruntii xisbiga waxaana jira khasaara xooggan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid” ayaa lagu yiri war si hordhac ah ugasoo baxay Al Shabaab.

Ciidamada Guutada 12-april waxa ay xeradaan ku leeyihiin Xeradii Cuuryaamiinta oo dhismo ahaan dhanka Garoonka Cayaaraha iyo Xaruntii Xisbiga ay ka degen yihiin, waxaana u xiran wadada isku xirta Isgoysyada Janaraal Daauud iyo Baar ayaan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamadii xirada ku sugnaa, dad Shacab ah oo meesha dagan iyo Shacab kale oo saarnaa baabuurta dadweynaha oo marayey goobta qaraxa ka dhacay.

Waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa khasaaraha ka dhashay qaraxaan Inshaa Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this