Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax xooggan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadad Online) – Qarax aad u xoogaan ayaa daqiiqado ka hor Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska General Daa’uud.

Warar hordhac ah oo laga helay qaraxa ayaa sheegayo in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xerada Guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga oo ku taalo dhabarka dambe ee Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium una dhow Xarunta Cuuryaamiinta.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo waxa loo adeegsaday qaraxaan, balse waxaa jiro warar kala duwan oo kasoo baxayo, wararka qaar ayaa sheegayo inuu ahaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo xaruntaas lagu weeraray.

Waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Dowladda iyo dad shacab ah, kala soco Caasimadda Online wixii kusoo kordha Inshaa Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this