Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Ku Burburtay Magaalada Calicut Ee Dalka Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Calicut)-Diyaarad ay lahayd Shirkadda diyaaradaha Air Indian Express oo ay saarnaayeen 191 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Calicut ee Koofurta dalka Hindiya.

Diyaaradan oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weyday waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna ay u kala dhacday labo qeybood iyadoo la shaaciyay in shan qof oo ay ku jiraan labadii duuliye ee diyaarada ay dhinteen.

Sidoo kale waxaa shilka diyaaradan ku dhaawacmay tiro badan oo ka mid ah rakaabkii diyaarada saarnaa.

Maamulka diyaaradda ayaa sheegay in tirada rakaabka ay ahayd 184 ruux oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo lix shaqaalaha diyaaradda ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this