Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Weerar bam-gacmeed loo adeegsaday oo ka dhacay Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya weerar bambooyin loo adeegsaday oo xalay  lagu qaaday guriga uu magaalada Guriceel ka dagan yahay, Gaashaanle Sare Cabdullahi Cabdi Raage oo ka tirsan sarakiisha nabad sugida ee dowlad goboleedka Galmudug.

Weerarkan waxa uu ku soo aadayaa xilli magaalada uu ka jiro muran ku saleysan furitaanka masaajiyadio ay horey u maamuli jireen Al-Shabaab oo la xiray.

Maamulka degmadas Guriceel oo ka hadlay weerarkaasi ayaa sheegay inuu ka bad-baaday, Gaashaanle Sare Cabdullahi Cabdi Raage islamarkaana uu nabad qabo.

Sarkaalka la weeraray ayaa horey uga mid ahaa saraakiishii ciidamada ciidamada Ahlu Sunna ee ku biiray dowladda Soomaaliya.

Waa weerarkii ugu horreeyey ee ka dhaca Guriceel ee loo adeegsado bambooyin, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this