Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar qaraxyo ah oo lagu qaaday guriga sarkaal ka tirsan NISA oo ku yaalo Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimadda Online) – Guriga Sarkaal ka tirsan Hey’adda Nabadsugida ee NISA  oo yaalo Magaalada Guriceel ee Maamulka Galmudug ayaa lagu qaaday weerar culus oo loo adeegsaday bambo gacmeed.

Guriga weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay inuu dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda NISa qeybta Galmudug kaasoo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Raage.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah sarkaalka gurigiisa la weeraray ayaa horey uga tirsanaa saraakiishii ciidankii Ahlu Sunna ee ku biiray ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa la xaqiijiyey inuu ka badbaaday weerarkaas qorsheysan ee xalay lagu qaaday guriigiisa oo ku yaalo Magaalada Guriceel oo kamid aheyd meelaha ugu nabdoon deegaanada Galmudug waqtigii ay gacanta ku hayeen maamulkii Ahlu Sunna ee laga adkaaday.

Ciidamada ammaanka Maamulka Galmudug ayaa qaraxa kadib bilaabay howlgal ay ku sheegeen in lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyey weerarkaas.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku bartilmaameedsaday shaqsiyaad ay tuhmayaan in ay ka dambeeyeen ama ay wax ka ogaayeen qaraxa.

Khasaare maaliyadeed oo u badan waxyeelo gaartay Guriga Taliye Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa ka dhashay qaraxa Bam Gacmeedka ah ee lagu tuuray Hoyga uu ka degen yahay Magaalada Guriceel.

Weerarkaan ayaa noqonayo midkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo muddooyinkaan ka dhaca Magaalada Guriceel oo waqti dhow ka baxday gacanta Ahlu Sunna oo markii horeba ku guuleysatay inay si xoog ah uga saarto Al-Shabaab.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, inkastoo weerarada noocaan oo kale ah looga bartay inay fuliso kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto Soomaaliya iyo wadamo ku yaalo Qaaradda Africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this