Deeq A. Posted August 7, 2020 Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka maamulka Jubbaland oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in 20 qof qof ka badan lagu la’yahay xeebaha ku teedsan magaalada Kismaayo ee xarunta goblka Jubbada Hoose. Agaasimaha ayaa tilmaamay in dadkaasi oo dhammaan ahaa kaluumeysato la waayey doomihii ay la socdeen, kuwaas oo ka jalaabanayey xeebaha ku yaalla dowlad goboleedka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi ay sababtay is-bedalka cimilada, gaar ahaan dabeylaha xilligan ka jira xeebaha Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay baadi goob ugu jiraan kaluumeysatadaasi, islamarkaana ay badda u direen doono nooca dheereeya ah, si loo bad-baadiyo dadkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites