Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo xeer madaxweyne kasoo saaray arrinta TikTok, 45 cashona u qabtay inay uga qalab gurato Gudaha Dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Donald Trump oo xeer madaxweyne kasoo saaray arrinta TikTok, 45 cashona u qabtay

trumptik.jpg

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xeer madaxweyne kasoo saaray aaladda teknolojiyada TikTok ee asal ahaan laga leeyahay dalkaasi Shinaha, waxaana uu u qabtay 45 caso oo ay shirkaddaasi uga qalab-guraneyso Mareykanka.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in sida keliya ee ay shirkaddaasi ku bad-baadi karto ay tahay in ay iibsato shirkad mareykan ah.

Trump ayaa ku tilmaamay shirkaddaasi mid khatar ku ah amniga Mareykanka.

45-kaas casho ee la siiyay kadib waxaa laga saari doonaa App-ka TikTik suuqyada gudaha Mareykanka sida App Store iyo Googles Play Store.

Hilary McQuaide oo ah afhayeen u hadlay TikTok ayaa warbaahinta u sheegay in ay akhri doonaan xeerka madaxweyne islamarkaana ay war kasoo saari doonaan.

” – TikTok, waxaa ay u suuro gelineysaa xukuumadda komuniistaha ah ee Shiinaha in ay la socdaan xogta iyo dhaq-dhaqaaqa shacabka iyo shaqaalaha dowladda Mareykanka. Sidoo kale waxa ay u sahleysaa in ay basaasaan shirkadaha ayna dhacaan”, ayaa ka mid ah qoraallada ku qoran xeerka madaxweyne ee uu Trump kasoo saaray TikTok.

Tik-Tok ayaa waxaa iskaleh shirkadda ByteDance.

Xeerkan madaxweyne ayaa soo baxay kaddib digniino dhowr ah oo ay dowladda Mareykanka u jeedisay shirkaddaasi, oo ay uga digeyso in ay ka mamnuucayaan Mareykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this