Sign in to follow this  
Deeq A.

Been abuurka qabsaday baraha bulshada qarixii Beyruut ka dib

Recommended Posts

Deeq A.   

Been abuurka qabsaday baraha bulshada qarixii Beyruut ka dib

Large warehouse destroyed by a huge explosion in Beirut port
Qaraxa ayaa burbur weyn u gaystay dekadda Beyruut

Wararka la xiriira qaraxa ka dhacay dekedda Beyruut ayaa faafintooda waxa ay bilaabatay wax yar ka dib markii u qaraxa dhacay.

Inkastoo muuqaallada la baahinyay ay u badnaayeen kuwa dhab ah oo ay soo duubeen goobjoogayaal ka ag dhawaa goobta qaraxa, haddana waxaa jiray kuwa kale oo badan oo been abuur ah oo lagu wadaagayay baraha bulshada sida Twitter-ka iyo WhatsApp-ka.

Waxaan halkan idin kula wadaageynaa qaar ka mid ah wararka been abuurka ah ee ilaa iyo hadda lagu faafiyay baraha bulshada.

Bambo niyukliyeer ah

Muqaallada la faafiyay waxaa lagu arkayay qaraxyo yar yar iyo dab kadibna waxa dhacay qarax aad u weyn, taasina waxay horseeday in la yiraahdo waxay qaraxyada ka dhaceen warshadda bululeyrka.

Balse sheegashadaas waxay u muuqatay mid macquul gal ah markii hore. Balse sidoo kale waxa jirtay qoraallo barta Twitter-ka lagu soo qoray oo sheegayay in qaraxyadaasi ay ka dhaseen bambaano niyukliyeer ah iyagoo tusaalo u soo qaadanayo qiiqa cad ee hawada galay markii uu qaraxa dhacay.

Screenshot of a post making the false claim that the mushroom cloud created by the explosion in Beirut was "atomic". We labelled the post "false"
Qoraal la soo dhigay Twitter-ka ayaa si ben ah u faafiyay inuu qaraxu ahaa bambaano

Bartaasi lagu soo qoray arrintaas ayaa waxa ku xiran boqol kun oo qof waxayna taasi keentay in dad badan ay sii faafiyaan. Qoraalkaasi ayaa markii damba la tirtiray.

Balse khubaro ku xeel dheer hubka waxay sheegeen in qiiqa cad ee hawada galay uusan gaar u ahayn nukliyeerka, hadii uu nukliyeer ahaan lahaana uu jiri lahaa kuleyl baahsan oo dadka ay ku guban lahaayeen.

*Bom ama weerar madfac *

War kale oo been abuur ah oo la sii faafiyay ayaa haa in qaraxa uu ka dahshay weerar bomka niyuukliyeerka ah oo ay soo tuureen Mareykanka, Israail ama ururka Xisbullah.

Warkan waxa dadka la wadaagay qaar ka mid ah warbaahinta Iran iyo sido kale dad caan ah.

Wararka kale oo an la hubin ayaa barta Facbook, Telgram la iskula wadaagayay

Fariimaha ayaa lagu sheegay in qaraxaasi uu ahaa weerar ay Israail soo qaaday oo lagu bartilmaameedsanayay goo ay Xisbulaah ku keydiso hubka.

 

Screenshot of a post making the false claim that a missile was responsible for the explosion in Beirut - suggesting the target was a Hezbollah missile storage facility
Warar been abuur ah oo sheegaya in qaruxu uu ka dhashay gantaal

Chloe Colliver oo ka socota machadka wadahadalada istraatijyadda ku saleysan ee ISD ayaa BBC-da u sheegtay, “waxaan aragnay warar ay kooxaha midigta fog iskula wadagaayaan onlinka iyagoo sheegaya warar aan la hubin oo ku saabsan waxyabihii ka dambeyay qaraxyadaas sida iyadoo dusha loo saaraya masuuliyadda qaraxa Israail ama waddamo kale”.

Madaxda Israail iyo Lebanon wa ay beeniyeen eedeyamaha ah in Israail ay ka dambeysay dhacdadaas.

Sidoo kale wararka ay kooxaha midigta fog isla wadagayaan waxaa ka mid ah in weerarka uu la xiriiro “dagaal u dhaxeeyo dowladda iyo hanaanka dhaxe ee bankiyada”.

Ra’iisal wasaraha Israa’iil ma uusan tilmaamin gobtan 2018-kii

Sawir laga qaaday ra’iisal wasaarahal Benjamin Natanyahu oo ka hadlayay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay 2018 ayaa isna qabsaday baraha bulshada markaas oo la sheegay inuu tilmaamayay halkii uu qaraxa ka dhacay maalintii talaadada.

Benjamin Netanyahu
Ra’iisal wasaaraha Israa’iil oo ku sugan Qaramada Midoobay 2018

Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala waxay sawirradaasi u soo qaateen cadeen ah in Israail ay ka dambeysay weerarka.

Saawirada waa kuwa sax balse si khaldan loo isticmaalay.

Mr Natanyahu halka uu tilmaamayo ayaa ah meel gebi ahaanba ka duwan halka uu hadda qaraxu ka dhacay, halkaas oo uu ku tilmaamay inay ururka Xisbullah ay hub ku qarsanayaan.

Hadalkii Trump

Hadal hayn kale ayaa hawada qabsatay oo ah inuu ahaa weerar wixii ka dhacy beyruut ka dib markii uu madaxweyne Trump oo shir jaraa’id qabtay ku tilmaamay inuu ahaa “weerar daran”

Cilmi baaris uu sameyay machadka ISD ayuu ku ogaaday in kooxaha midigta fog ay codkiisa jarjareen si ay ugu ekeysiiyaan inuu aha weerar argagixiso.

Two screenshots labelled "false" featuring Donald Trump at a press conference with fabricated quotes attributed to him suggesting the US president called the explosion a terrorist attack
Warar la soo dhigay baraha bulshada oo si been abuur ah loogu tiiriyay Trump

Qoraal lagu daabacay barta Telgramka ayaa lagu sheegay in Trump uu yiri, ” waxay u ekeyd weerar arggagixiso oo ba’an” balse hadalka saxda ah ee uu yiri wuxu ahaa ” weerar ba’an”.

“Sidoo kale waxaan aragnay been abuur laga sameeyay hadalkii madaxweyne Trump ee uu qaraxaasi ugu tilmaamay weerar, taasi oo la’isla dhaxmarayay baraha bulshada 24-kii saac ee u dambeysay, waxyna taasi tusaalo u tahay khatarta ay leedahay ka fiirsasho la’aanta hadalka xilliga lagu jiro masiibooyinka.” Ayey tiri Ms Colliver.

Waa xasuusin muhiim in mar walbo oo war deg deg ah uu dhaco inay badanyihin wararka been abuurka ah ama aan la hubin marka aad ayey u wanaagsantahay inaad ka fiirsato inta aadan faafinin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this