Sign in to follow this  
Deeq A.

Buundada degmada Baardheere oo dib u dhis ballaaran lagu sameynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka socda qorshihii ugu dambeeyey ee lagu dhisayo buundada degmadaas oo muhiim u ah isku socdka dadka iyo gaadiidka.

Saleebaan Muuse Cismaan oo ka mid ah howl-wadeenada wax ka dhisaya buundaasi ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in haatan Baardheere la geeyey qalabkii lagu dhisi lahaa buunadada isaga oo tilmaamay in markii hore ay caqabad ka heysatay sidii lagu geyn lahaa magaladaasi, sababo la xiriira amniga, balse wuxuu shaaciyey in haatan ay adeegsadeen diyaarad, taas oo ay dirtay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay qaataan kaalintooda, si dib loogu dhiso buundada magaalada Baardheere.

Dhismaha buundada degmada Baardheere waxaa horey lacag gaareysa 317, 000 oo dollar ugu deeqay ra’iisul wasaarihii la riday Xasan Cali Khayre, si loogu dayactiro buunadadaasi oo haatan ay dhibaato weyn ku qabaan shacabka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this