Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Xaashi oo dalbaday in la baaro been abuur u sameeyey Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi) oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa dalab xasaasi ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Cabdi Xaashi ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in baaris deg-deg ah uu ku sameeyo xeerka maaliyadda guud ee dalka oo dhowaan ay asixiyeen Golaha Shacabka.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa lagu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu been abuur ka sameeyey habraaca dhaqan-gelinta xeerka maaliyadda guud ee dalka, kaas oo aan aheyd midkii ay wax ka bedalka ku soo sameeyeen Senatorada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku soo bandhigay guddoomiyaha Aqalka Sare shax muujineysa wax ka bedal lagu sameeyey xeerkaas iyo kuwa meesha laga saaray.

Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli uu weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeya labada Aqal ee baarlamaanka oo ka dhashay arrimaha doorashada ee 20/21.

117273029_3139789832808210_3286378080924

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this