Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo xubo kale oo dagaal lagu dilay + Magaca

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska qeybta 60-aad ee ciidamada dalka ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey dagaal culus oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Dagaalka oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Gen. Maxamed Sheekh Cabdullahi oo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi, wuxuuna tilmaamay inay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo 17 kale oo ka tirsan kooxdaasi.

Genaral Maxamed Sheekh Cabdullahi ayaa magaca sarkaalka ay dileen ku sheegay Cabdicasiis Isxaaq Nuurow (Abuu Yaxye), kaas oo uu sheegay inuu dagaalyahanada Al-Shabaab u qaabilsaan gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in dhankooda dagaalkaas looga dilay hal sarkaal iyo saddex askari, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa maanta yare degan, balse dhaq-dhaqaaqyo xoogan ayaa waxaa weli laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this