Deeq A. Posted August 6, 2020 Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Qoor-Qoor iyo wafdigiisa oo ka amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaana Istanbul ku soo dhoweeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, safiir kuxigeenka iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Turkiga. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa inta uu joogo Turkiga wuxuu kulamo la qaadan doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug uu mari doono baaritaan caafimaad. Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu Qoor-Qoor ku tegayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, tan markii loo doortay xil-ka Madaxweynaha ee maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites