Sign in to follow this  
Deeq A.

Facebook Iyo Twitter Oo Hawada Ka Saaray Muuqaalo Uu Trump Faafinayey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Shabakadaha internetka ee Twitter iyo Facebook ayaa hawada ka saaray fiiramaha uu barahaasi ku faafinayey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Fariimahan hawada laga saaray ayaa la xadhiidhay been uu faafinayey Trump oo ku aadan cudurka Covid19, Muuqaaladan ayaa waxaa kamid ahaa wareysi uu Trump dhawaan bixiyey oo uu ku sheegayey in Carruurta da’ada yar aanu ku dhicin cudurka Covid19, taasi oo ah ‘ been’ maadaama uu cudurkan hore ugu dhacay carruur badan oo qaarkood u geeriyooday.

Twitter iyo Facebook ayaa ku khasabtay Trump inuu ka saaro muuqaalada bartiisa, hadii uu doonayo inuu sii isticmaalo shabakadahaasi arrintaasi oo ay muuqato inay u hogaansameen kooxda u shaqeysa Trump.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this