Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab Shalay ciid ku qabsatay dekedda Boosaaso oo maanta dib ugu xiranaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dekedda Magaalada Boosaaso waxaa saaka oo Khamiis ah la filayaa in uu dib ugu soo xirto Markab Xamuul ah oo Shalay ciid ku qabsatay iridda laga soo galo dekedda balse markii dambe laga saaray.

Markabka oo Shamiito u wada shirkad lagu magacaabo Barwaaqo ayaa shalay saacado badan ku xayirnaa iridda laga soo galo dekedda kadib markii halkaasi ciid ku qabsatay waxaase markii dambe lagu guulaystay in laga saaro ciidda.

Markabkaas oo shalay markii ciidda laga saaray dib ugu laabtay badda ayaa lagu wadaa in uu saaka mar kale si caadiya ugu soo xirto dekedda Boosaaso halkaasi oo uu ku dejin doono xamuulka uu sido.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa dekedda Boosaaso laga soo sheegayay ciid ka buuxsan tahay iyo dayac kale balse ma jirin cid wax shaqo ah ka qabatay.

PUNTLAND POST

The post Markab Shalay ciid ku qabsatay dekedda Boosaaso oo maanta dib ugu xiranaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this