Sign in to follow this  
Deeq A.

Macbad laga dhisay Goob masaajid laga dumiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Macbad laga dhisay goob masaajid laga dumiyay

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo daahfuray macbadka
Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo daahfuray macbadka

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in macbadka Hinduuga ee laga furay magaalada Ayodhya uu yahay astaan casri ah oo ka turjumeyso dhaqanka dadka hinduuga ah.

Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu maanta dhagax dhigayay macbadka muranka badan dhaliyay.

Koox Hinduu ah ayaa sannadkii 1992-dii burburisay masaajidkii 16-ka qarni dhisnaa, waxaana tallaabadaas ka dhashay qalalaase ay ku dhinteen 2000 qof oo u badnaa muslimiin.

In goobtan laga dhiso macbad waxay kamid aheyd ballan qaadayada Ra’iisul wasaare Modi balse dadka dhalleeceeyaa siyaasaddiisa ayaa sheegayaa in maanta ay tahay maalin mugdi ah isla markaana munaasabadda furitaanka macbadka ay muujin karto tallaabo lagu gacan bidxeynayo muslimiinta laga tiro badan yahay.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii maxkamadda sare ee dalkaas dhulkan siisay dadka Hinduuga ah kaddib tobonaan sanno oo lagu muransanaa.

Maxkamadda sare waxay sidoo kale dhul kale siisay muslimiinta si ay ugu dhistaan masaajid.

macbad.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this