Deeq A. Posted August 5, 2020 Markab ayaa maanta oo Arbaco ah ciidi ku qabsatay marinka gaadiidka ee dekedda magaalada Boosaaso. Markabka oo shamiito u waday shirkada Barwaaqo ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu ku dego marinka doonyaha iyo maraakiibta ee dekedda Boosaaso. Ismaaciil Siciid Xuseen (Kutubaweyne) oo ka mid ah madaxda shirkadda Barwaqo oo wareysi gaara siiyay Idaacada codka Mareykanka ee VOA-da ayaa ka warbixiyay xaalada markabka iyo khatarta uu ku hayo dekedda Boosaaso. “Todobadii subaxnimo ee saaka ayaa dekedda la soo galiyay markab la yiraahdo Banier Star, oo wada 6,100 tan oo shamiito ah, markii uu soo marayay irida laga soo galo dekedda ayaa ciidi qabsatay, dadkii markabka waday ayaa isku dayay inay xal u raayidaan, waana ka saariwaayeen, haddana biyihii hoos ayay u dheceen oo markabkii waa fadhiyaa” ayuu yiri Ismaaciil Siciid. Mar la weydiiyay Ismaaciil rajada ay ka qabaan in la badbaadiyo hantida saaran markabka, ayuu ku jawaabay in rajoodu aad u yar tahay, maadaama aan lahayn imkaaniyaadkii lagu badbaadin lahaa. Sidoo kale wuxuu sheegay in markabku khatar ku yahay dekedda oo laga cabsi qabo inuu dhinac u dhaco oo xiro marinka gaadiidka, haddana aan waxna gali karin waxna ka bixi karin. Sanadihii ugu dambeeyay waxaa dekedda Boosaaso laga soo sheegayay ciid ka buuxsan tahay iyo dayac kale, balse ma jirin cid wax shaqo ah ka qabatay. Bishii Octoobar 2017 ayaa Puntland maamulka Dekedda Boosaaso ku wareejisay shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World. PUMTLAND POST The post Markab ciidi ku qabsatay marinka dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites