Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhakhtarad caan ka aheyd Geyiga Soomaalida,Una dhaxday Wasiir hore oo Somaliland ka soo jeeday oo geeriyootay+Gudoomiye Cirro oo Dhambaal Tacsi ah u diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhakhtarad caan ka aheyd Geyiga Soomaalida oo geeriyootay+Gudoomiye Cirro oo Dhambaal Tacsi ah u diray

Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyootay Drs Xaawa Cabdi Dhiblaawe oo aheyd dhakhtar caan ka aheyd guud ahaan gayiga Soomaaliya 

Dhakhtarada ayaa la sheegay in ay u geeriyootay saakay xanuun deg deg ah oo xalay kusoo booday, waxaana geerida dhakhtarada aad uga naxay dad badan oo Soomaaliya oo aqoon badan u lahaa .

xaawo-cabdi.jpg?resize=696%2C696&ssl=1

Geerida Drs Xaawo Cabdi waxaa ka tacsiyadeeyay dad badan oo isugu jira masuuliyiin, siyaasiyiin, dhakhaatiir iyo dad kale oo bulshada Soomaaliyeed magac iyo maamuus ku leh.

Drs Xaawo Cabdi ayaa aheyd dhakhtarad dadka Soomaaliyeed u soo shaqeysay xiliyo adag oo baahi badan loo qabay, waxa ayna laheyd isbitaal weyn oo kuyaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye , waxayna mudooyinkii dambe ku shaqeynaysay Muqdisho markii ay tahli kari weyday inay Cusbitaalkeeda ku shaqeyso arrimo nabadgelyo darteed.

Waxa aan tacsi la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan geerida naxdinta leh ee ku timid AHU Dr Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo maanta xaqii u yimid, si gaar ah waxa aan ugu tacsiyadeynayaa ubadkeedii ee qoyska Reer Waqaf ee Dr Aamina & Dr Deeqa. Alle ha u naxariisto. pic.twitter.com/mEfStsy36E

— Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) August 5, 2020

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this