Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxkamadda Ciidamada oo maanta sii deysay wariye Abuuja

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo muddo dhowr bilood ah, si sharci darro ugu xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in baaris dheer, kadib wax dambi ah lagu waayey Wariye Abuuja.

Sidoo kale wuxuu amray guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute in si deg-deg ah looga sii daayo xabsiga.

Go’aankan ayaa waxaa soo dhoweeyey bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ehelladiisa oo goobta ku sugnaa.

Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) ayaa waxaa horey loogu soo eedeeyey dil ka dhacay degmada Boondheere iyo ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal horey uga soo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

117183815_2157301787748790_2889541995764246086_n 116836165_2640376639510161_8083367349355795240_n 116846743_344483633241525_7978378434446628861_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this