Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo war ka soo saartay diyaarad uga burburtay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Kenya ayaa faah faahin ka bixisay diyaarad shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay milatariga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Harbin Y-12 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Kenya ay shil ku gashay garoonka Dhoobley, iyadoo xilligaasi u soo duuleysay magaalada Nairobi.

Kenya waxay sheegtay in dhammaan 10-kii qof ee saarnaa diyaaraddaasi oo ka tirsanaa milatariga ay xaaladdoodu deggan tahay, ayna ku jiraan isbitaalka milatariga Defense Forces Memorial Hospital ee magaalada Nairobi.

Waxay Kenya intaasi ku dartay in koox baarayaal ah ay xilligan ku sugan yihiin magaalada Dhoobley, si ay shilkaasi uga gun gaaraan.

Shilkan ayaa dhacay 3-dii Augus, 2020-ka, balse war saxaafadeedku laguma sheegin sababta ugu wacneyd in diyaaraddaasi ay shil gasho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this