Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo Muqdisho kula kulmay wasiirada ka soo jeeda HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Waare ayaa wasiirada xil-ka sii haya, gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaanada HirShabelle kala hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda maamulkaasi.

Xubnahada wasiirada ah ee la kulmay Madaxweynaha HirShabelle ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaareiinta Axmed Cabdi Canshuur iyo Wasiir ku Xigeenka wasaaradda Gaadiida Badda Cismaan Cabdi Daalo.

Sidoo kale waxa ay iska xog wareysteen Madaxweynaha Iyo Wasiiradaas xaaladda siyaasadeed, midda amn iyo tan Bulsho ee Hirshabelle.

Muddooyinkii la soo dhaafay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi Maxamed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this