Deeq A. Posted August 5, 2020 Waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyootay Allaha u naxariistee Drs Xaawa Cabdi oo ka mid aheyd dhaqaatiirta waa weyn ee Soomaaliyeed. Marxuumadda ayaa u geeriyooday xanuun deg-deg ah oo ku soo booday, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah caruurteeda. Drs Xaawo Cabdi ayaa muddo dheer ka soo shaqeyneysay horumarinta caafimaadka Soomaaliya, waxaana ay xarun ay ku laheyd duleedka magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa geerida ku tilmid marxumadda ka tacsiyeeyey qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed. AUN Xaawo Cabdi oo 73 sano jir aheyd wax ku soo baratay wadanka Ruushka, horaantii toddoaatameeyadii, waxaana ay garab qaban jirtay dadka danyarta ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites