Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhakhtar qirtay in uu kellyo kala baxay dad kor u dhaafaya 100 ruux

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhakhtar qirtay in uu kellyo kala baxay dad kor u dhaafaya 100 ruux

devender.jpg

Booliska magaalada Dehli ayaa gacanta ku dhigay dhakhtar baxsad ahaa muddo 6 bilood ah kaas oo fasax ahaan looga soo daayay xabsi uu ku jiray.

Dhakhtarkan oo lagu magacaabo Devender Sharma islamarkaana 62 jir ahaa ayaa qirtay in uu kelliyaha kala baxay 124 ruux kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 50 taksiilayaal ah.

Devender Sharma oo ku xukunaa xabsi daa`in ayaa fasax ahaan looga soo sii daayay xabsiga, balse markii uu fasaxa dhameystay ayuusan ku laaban xabsiga.

Ninkan oo dhakhtar ahaan uga shaqeysan jiray isbitaal ku yaal magaalada Rajasthan intii u dhaxeysay 1984 iyo 1995 ayaa markii ay boolisku qabteen waxaa uu u sheegay wax ka cajabiyay, wuxuuna u sheegay in uu galay fal-dambiyeedyo ka badan kuwa uu ku xukuman yahay.

Waxa uu u sheegay booliska in uu ka dambeeyo dilka in ka bada, 100 ruux oo meydadkooda uu ku riday wabi ay ka buuxaan yaxaasyo.

Markii la qabayay sannadkii 2003-dii ayaa waxaa uu ku gudo jiray qorshe dil uu u geysanayay nin taksiile ah kaas oo ka bad-baaday.

Sannadkii 2004 ayaa lagu xukumay xabsi daain.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this